Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle oo kulan ku yeeshay magaalada jowhar ayaa codka kalsoonida Siiyay Golaha Wasiirada uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Maamulkaas Cali C/laahi Osoble.
71-xildhibaan ayaa u codeysay in ay ansax yihiin Golaha Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Osoble, waxaa kasoo horjeystay 27-xildhibaan, Guud ahaan waxaa kulanka ka qeyb galay 98-xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamanka Hir-shabeelle.
Dhanka kale Xildhibaanadii kasoo Horjeeday Golaha wasiirada oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in la musuq-maasuqay qaabka loo ansiyay Golaha Wasiirada uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Maamulkaas Cali C/laahi Osoble,waxayna eedeen u jeediyeen Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulkaas.

