Qoraal uu sooo saaray Guddoomiyaha Bangiga Adduunka Jim Youn Kim ayuu ku sheegay in malaayiin dad ah ay khatar ugu jiraan qaar kalena ay u dhimanayaan gaajo ka jirta dalalka Afrikaan ah, taasina ay ceeb ku tahay caalamka.
Jim Youn Kim ayaa sheegay in Caalamka ceeb weyn ay ku tahay in ay ka jawaabi waayaan baahiyaha ay qabaan dadka ku nool dalalka Nageria, Itoobiya, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in qoysaskaas loo helo biyo iyo baad.
Mr. Kim waxaa uu leeyahay waxaa loo baahan yahay lacag dhan 1.6 Bilyan oo dollar si dadkaasi u helaan nidaan ka hortag, waxaa ku jira 870 Milyan oo looga hortagayo gaajada oo lagu dari doono 770 oo dheeraad ah.
Guddoomiyaha bangiga adduunka Jim Yong Kim waxaa sidoo kale ka hadlay in arrintan loo baahan yahay in ay iska kaashadaan dhammaan hey’adaha kala duwan sida: Bangiga iyo Qaramada Midoobay.
Wadamo Soomaliya ay kamid tahay waxaa haatan ka taagan abaar aad u xoogan, meelaha qaar ee Gobolada dalka Soomaliya waxaa laga soo sheegayaa in dad ay u dhimanayaan abaarta.

