Gudoomiyaha Baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland Mudane Cabdi Max’ed C/raxmaan oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Kismaayo ee Gobolka jubada Hoose ayaa sheegay in dib u dhac ku yimid Furitaanka Kalfadhigii 3-aad ee baarlamanka Jubaland.
Cabdi Max’ed C/raxmaan Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in Kalfadhiga oo lagu waday in uu furmo 18-ka bishan March dib loo dhigay ilaa 01-da Bisha April ee sanadkan 2017-ka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dib u dhaca ay sababtay Gudoomiyeyaasha gudiyada baarlamanka iyo Gudoonka baarlamanka oo tababar laba todobaad socon doona u aadaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dhanka kale Gudoomiyaha baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland Mudane Cabdi Max’ed C/raxmaan ayaa ugu baaqay Xildhibaanada baarlamanka Maamulkaas ee dalka ka maqan in ay dib ugu laabtaan Magaalada Kismaayo si ay kulamada ugu qeyb qaataan.

