Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka inay ka soo tala bixiyaan in dalkan ay doorasho hal cod iyo hal qof ka dhaceyso iyo inkale ka hor sanadka 2020.
Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in sanadkaan 2017-ka Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ay golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya horkeeneen go’aanka ku aadan hadii suurta gal tahay in la hirgelin karo in doorasho hal qof iyo hal cod ay dhacdo sanadka 2020-ka, hadii kale aan been loo sheegin shacabka.
Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday Guddiga doorashada qaranka inay keenaan waqti ku suurta geli karto doorasho hal qof iyo hal cod, hadii kalena ay dib ugu noqonayaan doorasho dadban sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegay in aanan loo baahneyn in iyadoo waqti yar ama sanad ka dhiman tahay doorashada uu bilowdo is eedeyn iyo far isku-taag, sidaas darteed looga baahan yahay Guddiga inuu keeno qorshe cad oo sanadkan gudihiisa ah in dalka ay doorasho hal qof iyo hal cod ka dhici karto sanadkan 2020.
Doorasho hal cod iyo hal qof ayaa lagu waday in dalka laga hirgaliyo sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2016-ka balse qilaafyo iyo jiid jiid kadib waxaa la isla gartay in la qabto doorashada dadban, islamarkaana sanadka 2020-ka la qabto doorashada hal cod iyo hal qof.

