Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa ugu baaqay dawlada Federaalka in ay la xisaabtanto Dadka Gargaarka loogu dhiibayo Qoysaska ay Macluusha ku haysato Gobolada Dalka.
Maxamed Cumar Dalxa ayaa tilmaamay in ay jiraan dad loo wakiisho bixinta gargaar loogu talagalay Qoysaska ay Macluusha ku haysato Gobolada Dalka islamarkaana ay jiraan dad arrintaas ka faaideysto islamarkaana wax isdabamarin sameeya.
“Dowladda Soomaliya waxaa loogu baahan yahay in ay la xisaabtan ka sameyso Gargaarka loogu talagalay Qoysaska ay Macluusha ku haysato Gobolada Dalka, sidoo kale beesha caalamka waxaa loogu baahan in ay la xisaabtan ka sameeyeen arinta gargaarka oo ay ogaadaan in gargaarka loo bixiyay sidii loogu talagalay, dad waxaa jira ka faaideysto howlahaas”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa Xili dhawaan wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay In ay lunsadeen gargaar loogu talagalay Shacabka Gobolkaas.

