Raisulwasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desalegn ayaa magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda kula kulmay Madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni.
Labada mas’uuul ayaa si qoto dheer kagawada hadlay arrimaha dalka Soomliya, iyo dowladda Cusub ee Soomaliya oo 8-bishii February hogaankeeda uu ku guuleystay Madaxweyne maxamed C/laahi maxamed(Farmaajo).
Kulanka labada Mas’uul oo ay banaan joog ka ahaayen Warbaahinta ayaa waxaa lagu waramayaa in diirada lagu saaray arrimaha dalka Soomaliya iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowladda Cusub ee Federaalka Soomaliya iyo wadamada ay Ciidamada ka joogana Soomaliya.










