Taliska Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay gaari walxaha qarxa siday oo dhawaan lagu qabtay duleedka magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug
Gaariga siday walxaha qarxa ayaa nuuciisa waxa uu ahaa nuuca Soomaalida ay u taqaano (Candha-meedlaha), isagoo isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Boosaaso iyo Beledweyne, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Saraakiisha Amaanka maamulka Puntland waxa ay sheegeen baaris kadib in la ogaaday in gaarigaasi waday walxaha qarxa la doonayay in lagu qarxiyo shacabka Maamulka Puntland.
Gaariga la qabtay ayaa waxaa saarnaa Agabka Hubka iyo Dareeska Ciidamada, iyo sidoo kale Calanka Madow ee Ururka Al-Shabaab, Waxaana loo maleynayaa in uu u socday Dhinaca Buuraha Gal-gala ee Gobolka Bari
Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntlane ee Gobolka Mudug ayaa intaas ku daray in baaritaan dheeraad ah Lagu hayo, Gariga iyo Cida Leh, Waxaana la xiray Darawalkii Watay iyo Dhamaan Rakaabkii la socday.




