Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya, Gudoomiyaha aqalka Sare ee dalka, iyo Xildhibaanada labada aqal, ayaa xalay wada yeeshay kulan loogu arinsayay magacaabista Golaha wasiiradda Cusub.
Madaxda kulan ka qeyb gashay ayaa si weyn ugu wada hadlay sidii loo dadajin lahaa magacaabista Golaha wasiiradda Cusub ee Xukuumadda Soomaliya iyadoo laga fogaanayo eex iyo musuq-maasuq in lagu magacaabo Xubnaha cusub.
Raisulwasaaraha cusub ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday latashiyo uu la sameenayo qeybaha kala duwan ee Bulshada sida siyaasiyiinta, Odayaasha, Xildhibaanada, Culumaa’udiinka isagoo doonayo inuu golihiisa wasiirada cod fiican uga helo xubanaha Baarlamaanka.
Raisulwasaare xasan ayaa sheegay inuu Kulamadaas ujeedkooda yahay sidii uu usoo dhisi lahaa wasiiro shacabka Soomaaliyeed wax u qabto kana turjumayo rabitaanka shacabka, waxa uuna meesha ka saaray in nin jecleysi in wax lagu soo magacaabayo.

