Dagaalkaan oo geystay qasaare hantiyadeed iyo mid nafeedba ayaa saaka barqadii dib uga qarxay deegaanno hoos-yimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Waxaa la tilmaamayaa in dagaalku uu u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo muddooyinkii dambe ku dagaalamayey degmadaas
Intii dagalku uu socday ayaa la xaqiijiyey in maleeshiyaadka dagaalamay garab ka mid ah ay gubeen goobo mid ah tuulooyinkii lagu dagaalamay,waxaana goobaha dabka la qabadsiiyey ay ahaayeen guryo la dagganaa sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo aan helayno.
Maamulka degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa faah-faahin ka bixiyey qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay deegaanada hoos-yimaada deegaankaasi.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka degamada Cadale C.raxmaan Axmed Cabdi oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa faah-faahin ka bixinaya qaabka dagaalku uu u dhacay iyo qasaraha ka dhashay waxaan uu sheegay in la gubay deegaanka la yiraahdo Koobaar oo hoostaga degmada Cadale.
Guddoomiye ku xigeenka oo siihadlaya ayaa sheegay in Mdaxda Mamulka Hr-shabeelle ay ku lug leeyihiin dagaalka oo ay hurinayaan,waxaa uu intaa ku daray in madax ka tirsan Hir-shabelle ay hub ay kasoo qaadeen Ciidamada AMISOM ay u gacangaliyeen qaar ka mid ah maleeshiyaadka dagaalmaaya.

