Guddoonka Hir-shabeelle oo War Kasoo Saaray Qilaafka u Dhaxeeya Madaxweynaha iyo Xildhibaanada+Dhageyso

0

Guddoonka Baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa ka digay in la siyaasadeeyo qilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Cali C/laahi Osoble iyo Xildhibaanada Baarlamanka oo meeshii ugu sareysay xiligaas gaaray.

Gudoomiye Shiikh Cusmaan Barre, Gudoomiyaha Baarlamanka Hir-shabeelle oo maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas ayaa sheegay in wax walba uu jira lagu dhameyn doono si dastuuri ah islamarkaana aan loo baahneen in si kale loo wajaho arrimaha xiligaas jira.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka digay in faraglin dhanka dibada ah ay kaga timaado maamulka islamarkaana la burburiyo maamulka curdunka ah.

“Xildhibaanada Baarlamanka Hir-shabeelle waxaa leeyahay ha isdajiyaan, wixii jiro waxaa lagu dhameyn doonaa si dastuuri ah, shacabka reer Hir-shabeelle iyo madaxtooyadda waxaan ugu baaqayaa in ay ka shaqeeyaan hormarka maamulka cusub, anaga uma baahnin in dib loo dhigo maamulka”, ayuu yiri Guddoonka Baarlamanka Hir-shabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here