Akhriso:-Maraykanka oo Ballaarinaya Dagaalada uu Kula jiro Al-shabaab iyo Al-qaacida

0

Waaxda difaaca dalka mareykanka ee Pentagon ayaa sheegtay in ay kor u qaadi doonaan howlgaladooda military ee lagula dagaalamaya Xarakada Al shabaab kuwaa oo xiriir la leh Urur weynaha Al-Qa’ida sida uu sheegay sarkaal sare oo katirsan dowlada mareykanka.

Pentago-ka dalka mareykanka ayaa intaa ku daray in weeraro ka dhan ah amaanka dalka mareykanka in ay ka dhaceen gudaha dalkaasi kuwaa oo lala xiriirinayo Xarakada Al shabaab.

Hadalkan ayaa waxaa uu si toos ah uu ugu soo baxay aqalka cad ee dalka mareykanka looga arimiyo kaa oo sidoo kale lagu ogolaaday in howlgalo qaas ah oo lagu taageerayo ciidamada dowlada soomaaliya in kor loo qaado si halganka dagaal ee lagula jiro Xarakada Al shabaab kuwaa oo sarkaalan uu sheegay in dalkan soomaaliya ee dhaca geeska Africa in ay u dhaw yihiin kuwa jilicsan waxaana uu intaa ku daray in dowlada mareykanka ay bilaabi doonto duqeymaha dhanka cirka ah ee lala beegsanayo goobaha ay ku sugan-yihiin Xarakada Al shabaab.

Xoojinta howlgalada militarily ee soomaaliya ayaa imaaneysa kadib markii madaxweynaha dalka mareykanka uu kacodsaday waxda difaaca dalkiisa ee Pentegon-ka in ay kordhiyaan dagaalada dowlada mareykanka ay kula jirto waxa loogu yeero argagixisada sida kooxda ISIL ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq iyo waliba si looga adkaado kooxaha xiriirka la leh Urur weynaha Al-Qacida.

Dowlada mareykana ayaa sidoo kale walaac xoogan ka qabta da’yarta soomaali mareykan-ka ah kuwaa oo u safra dalka soomaaliya oo ay sheegtay qaarkood in ay galaan xerooyin tababar oo ay jirto cabsi ah in dalka mareykanka ay dib ugu soo laabtaan iyaga oo weeraro dalkaasi ka fulin karo.

“Soomaaliya waa mid carqalado jahawareer oo aad badan ay naga heystaan” sidaasi waxaa yiri General Thomas Waldhauser oo ah madaxa taliyaha howlgalada qaarada Africa mar uu wareysi siiyay wakaalada wararka ee AP.

Xoghaya difaaca dalka mareykanka Jim Mattis ayaa horay u meel mariyay howlgalkan bishii hore isagoo qorshahan u diray aqalka cad ee dalkaasi looga arimiyo . laakin wuxuu xusay in go’aanka kama dambeysta ah aan wali la’ansixin isagoo timaamay in go’aankan uu lahaan karo dareen siyaasadeed maadaama magaalada Mogadishu lagu soo riday sanadii 1993 laba diyaarad oo helicopter ah iyadoo la dilay 18 ciidamo American ah.

Aqalka cad ayaa ka gaabsaday ilaa imika in uu si toos ah kaga hadlo hadaladan ka soo baxay waaxda difaaca ee pentagon-ka.
qaar kamid ah sidoo kale saraakiisha difaaca dalka mareykanka ayaa sheegay howlgaladan cusub ee military in soomaaliya ay ka taageereyso marka la gaaro sanadka 2020 in ay ka baxaan ciidamada howlgalka midowga Africa oo gaaraya ilaa iyo 20,000 oo askari.

Waxaa sidoo kale warkan ka soobaxay waaxda difaaca dalka mareykanka lagu sheegay in ay jiraan ciidamo qaas ah oo soomaaliya ku sugan kuwaa oo aan ka howl galin jiinta hore ee dagaalka balse ciidamada dowlada caawiya xiliga ay dagaalka ku jiraan marka ay u baahdaan kaalmo dheeraad ah kuwaa oo diyaarado dagaal ay kamid yihiin caawinaada dagaal ay bixiyaan.

General Thomas ayaa sheegay in Maraykanka u arka fursad ay kula shaqeeyn karaan madaxweynaha soomaaliya Mohamed abdullahi farmaajo si loogu tababaro ciidamada ammaanka qaranka Soomaaliya si ay u gaaraan heer ah in ay qaadi karaan weerar al-Shabab ay kala wareegi karaan goobaha ay gacanta ku hayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here