Waxaa faafaahino dheeraad ay ka soo baxayaan qarax xaley ka dhacay Magaalada jowhar ee xarunta Maamulka Hirsahbeelle.
Qaraxa oo ahaa Bambaanada gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray guri magaalada jowhar uu ka degen tahay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda soamaaliya.
Lama ogo qasaaraha kad hashay qaraxa balse dadka magaalada ayaa u sheegay idaacadda Simba in qaraxa uusan geysan qasaare.
Ciidamada dowladda soomaaliya ayaa howlgalo ka wada saakay bartamaha magaalada jowhar waxana sidoo kale saakay la baaraya gadiidka isticmaalaya wadooyinka magaalada jowhar.

