Nabadoon Cali diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka gobolka mudug ayaa wareysi uu siiyay idaacadda samba ee magaalada muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyay hadal shaley uu jeediyay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo waxana warka uu ku aadana xaalada gaalkacyo uu sheegay madaxweynaha in la faragelinayo si heshiis loo gaaro.
Nabadoon Aloore ayaa hadalka madaxweynaha ku tilmaamay mid guul keeni kara islamarkaana isbadel ka dhallin kara xaalada magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Nabadoon Cali diiriye Aloore ayaa ugu baaqay dadka wada dego Galakacyo in inta uusan xaalka gaalkacyo faragelin madaxweyne Farmaajo ay shacab dadaal muujiyaan oo xaalka gaalkacyo iyaga ay nabad ka dhigaan.

