Xiisad Saakay Ka jirto Deegaanka Ceelhuur

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay Xaley Soo Buux dhaafiyeen Duleedka magaalo xeebeedka Ceelhuur ee Gobolkaas.

Ciidamadaan ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa laba jiho uga soo dhaqaaqay Magaalada Ceel-huur, dhanka wadada Camaara ka timaada, oo ay galabta soo gaareen deegaanka Baraag Fareeyo oo 20 km waqooyi galbeed uga beegan Ceelhuur, halka caawa ay ciidamada Shabaabka ay soo gaareen deegaan Xeebeedka Qosoltire oo 15 km koofur uga beegan Ceelhuur.

Dadkii ugu badnaa ayaa xaley iskaga barakacay magaalo xeebeedka Ceelhuur ee Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug iyagoo ka cabsi qaba in waxyeelo kasoo gaarto dagaal dhexmara galmudug iyo Xarakada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku wajahan yihiin dekedda degmada hobyo oo ah isha kaliyah ee haatan maamulka galmudug uu dhaqaalaha ka helo balse ay doonayaan in ay amaanka dekedda ay carqaladeeyaan sida maamulka galmudug sheegeen.

Ciidamada Galmudug ayaa dhaq dhaqaaq ciidan waxa ay ka wadaan deegaano ku dhow ceelhuur waxana ciidamo laga soo abaabulay degmada hobyo ay ku soo dhawaadeen deegaanka Ceelhuur.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here