Feysal“Hablaheena Waxa ay Dhihi jireen Siyaad Ha Dhaco, Hadana Waxa ay Leeyihiin Farmaajo Ha Noolaado”

0

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID Faisal Cali Waraabe oo ka hadlaayay munaasabad ay isugu yimaadeen dhallinyarada Somaliland 20-ka February ayaa sheegay in hablaha Somali-land barigii hore ay dhihi jireen ha dhaco Maxamed Siyaad Barre balse maanta ay dhahayaan Ha noolaado Farmaajo.

Faisal Cali Waraabe ayaa arintaas u sababeeyay in Somali-land uusan ka jirin Maamul awood badan oo dadka hormarin karo, waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyay wasiiradda Xukuumadda Somali-land oo sheegay in xafiisyadooda ka shaqaalaysiiyaan dad ay isku qoys yihiin.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID Faisal Cali Waraabe ayaa soo hadal qaaday waxa badalay fikirkii ay qabeen shacabka Somali-land ee ahaa ha dhaco Maxamed Siyaad Barre maantana ay dhahayaan na noolaado Farmaajo.

Faisal ayaa sheegay in taageerada Farmaajo ay sabab u noqotay dhibaatada ay tabanayaan Shacabka Somaliland, waxa uuna eedeyntaasi dusha ka saaray maamulka talada haya ee uu hogaaminaayo Axmed Siilaanyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay Faisal Cali Waraabe in shacabka Somaliland ay Baasaboor u doontaan magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland, waxa uuna tilmaamay inaanu suuragal aheyn talaabada noocaasi ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here