Madaxweynaha Farmaajo oo Lagala Hadlay Sidii Xuriyadiisa Loo Siin Lahaa Shiikh Xasan Daahir

0

Xarunta Madaxtooyadda Villa Somaliya xalay waxaa ka dhacay kulan xasaasi ah oo dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Odayaal, xidhibaanada labada gole ee beesha Habargidir kaasi oo loogu hadlayay Arrimo dhowr.

Xubnaha la kulmay Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa si weyn ugu hadlay sida loogu baahan yahay in dalka uu isbadal ka dhaco islamarkaana Jagada Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya loo dhiibo beesha Habargidir,madaama aysan xilkaan qabanin muddo aad u fog.

Dhanka kale Odayaal, iyo xidhibaanada labada gole ee beesha Habargidir ee la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)
ayaa kala hadlay sidii loo sii deyn lahaa islamarkaana xuriyadiisa loo siin lahaa Shiikh Xasan Daahir aweys oo dowladda Soomaliya isku soo dhiibay sanadkii 2013-kii.

Xubnahaan ayaa dowladii Xasan Shiikh maxamuud uu waqtigeeda dhamaaday marar dhowr ah kala hadlay sidii loo sii deyn lahaa Hogaamiyihii Hore ee ururka Xisbul Islaam islamarkaana markii dambe shabaab ku biiray Shiikh Xasan Daahir aweys.
Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa muddo afar sano ku dhow u xiran Dowladda federaalka Somaliya, kadib markii oo isku soo dhiibay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa gacanta Dowladda Somaliya soo galay daba yaaqadii bishii June ee sanadkii 2013-ka, tan iyo xilligaas waxa uu ahaa mid lagu hayay xabsi guri iskastoo xaalad caafimaad dhowr jeer loogu qaaday dalka Qatar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here