Kooxo hubeysan ayaa xalay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim, oo kamid ahaa Ergadii xildhibaanada kasoo dooratay Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaliya.
Ugu yaraan laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa gudaha u galay hoyga Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim, iyadoona ay halkaasi ku dhex dileen, dilka kadib ragiii fuliyay falka ayaa goobta isaga baxsaday sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaas ku sugnaa.
Ciidamada ammaanka oo hawlgal aan buurnayn ka sameeyay goobtaasi, ayaa kolkii dambe isaga tagey, iyadoo aanay jirin cid la sheegay in ay u soo qabteen dilka marxuumka.
Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim, ayaa ka mid ahaa ergadii Magaalada Baydhabo ku soo dooratay Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ku metelaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

