Maxkamada Sare Maamulka Soomaaliland ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaartay Sadex qoys oo isku heystay Wiil lagu magacaabo Farxaan oo qoys walba uu ku doodayay in uu isaga ka dhashay.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo tan Dastuuriga ah ee Somaliland Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dooda ku aadaneyd cid uu ka dhashay wiil ay soo jirtay muddo aad u fog islamarkaana Maxkamadda ay ku guuleysatay in ay Natiijo fiican kasoo soo saarto Go’aanka.
“Waxaa jirtay dhacwad xasaasi aheyd oo 3-qoys ay isku haysteen wiil lagu magacabo Farxaan, waa laba nin iyo haweeney, dacwadda ayaa ku socotay Maxkamadda Gobolka Sool ee Somali-land, runtii waxaa naga gacan siiyay Dhaqtarka weyn ee Magaalada Hargeysa oo qaaday DNA dhamaan dhinacyadii dacwadda ay quseysay waxaa ugu dambeyntii lagu guuleystay in Haweeneyda ay dhashay Farxaan”, ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed .
Dhacdooyinka noocaan oo kala ah ayaa ka dhaca inta badan gobolada dalka Soomaliya.

