Waxaa dib u dhac uu ku yimid doorashadii Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug oo maanta lagu waday in ay ka dhacdo Magaalada cadaado, kadib markii dhawaan Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas ay kalsoonida kala laabteen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmuudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta aysan suurta gal aheyn in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha islamarkaana dib laga soo sheegi doono waqtiga ay dhacayso doorashada.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa wali ku adkeysanaya in ay qabanayaan Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug, dhanka kale Madaxweyne Guuleed ayaa dhankiisa kasoo horjeeda arinta xil ka qaadista.

