Madaxweyne Shariif Xasan oo Hagar-daamo Ku Hayo Bulshada Gobalka Shabeelaha Hoose+Dhageyso

0

Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Marko C/kariin Xuseen Xasan oo u Waramay Idaacada Simba ayaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ee ka soo Jeeda Gobalka Shabeelaha Hoose waxa uu ka Dalbaday inay iska Casilaan Xilalka ay Maamulkaasi ka Hayaan Maadaama sida uu Sheegay Madaxweyne Shariif Xasan Hagar-daamo ku hayo Bulshada Gobalkaasi.

Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Marko ayaa Sheegay in Xilka Qaadistii Dhawaan lagu Sameeyey Wasiirkii Diinta iyo Aw-Qaafta Maamulka Koonfur Galbeed ay aheyd mid muujinaysa in Maamulka Koonfur Galeed uu Lidi ku hayo Bulshada Gobalka Shabeellaha Hoose oo ka jiraan Dhibaatooyin Badan.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan uu xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Diinta iyo Aw-Qaafta Maamulka Koonfur Galbeed oo kamid ah dad kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mamaulka Koonfur Galbeed soomaliya oo xaruntiisa ay tahay Magaalada baraawe ayaan wali u guurin dad qaar ayaa arintaan u qaatay In maamulka uusan wax micnaha ugu fadhinin bulshada kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here