Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo ka tirsan Gudiyada Baarlamaanka Galmudug ayaa Sheegay in Madaxweynihii ay Xilka ka qaadeen ee C/kariin Xuuseen Guulleed oo Musuq-Maasuqay Deeq Lacageed oo dhawaan Guddiga Heer Qaran ee Gurmad Abaaraha Soomaaliya ku Wareejiyeen Maamulka Galmudug.
Dhanka kale Xildhibaan Duraan ayaa ugu Baaqay Dowlada Soomaaliya iyo Hay’adaha Qaramada Midowbey inay wax deeqa ah aysan Galmudug u soo Marsiin karin Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maadaama uu qeyb ka Yahay Musuq-Maasuqa deeqa Gar-gaar ka ah lagu sameeyey ee ka dhacday Magaalada Cadaado.
Guddiga Heer Qaran ee Gurmad Abaaraha Soomaaliya oo dhawaan gaaray Magaalada Cadaado ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas waxa ay ku Wareejiyeen lacag dhan 150,000 oo dollar Mareykanka oo loogu talagalay waxqabashada Abaaraha.

