Michael keating:”Madaxweyne Farmaajo Waa in uu Wax Ka Qabtaa Al-Shabaab, iyo Abaarta”,

0

Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Michael keating OO wareysi gaar ah siiyay wargeyska kasoo baxa dalka Ingiriiska ee The Gurdian ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha Soomaliya oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho islamarkaana uu kusoo baxay Maxamed C/laahi Farmaajo.

Denjire Michael Keating aya sheegay in doorashadii Muqdisho ka dhacday loo maray si wanaagsan oo ka madax banaan musuq-maasuq, wuxuu hadalkiisa ku daray in doorshada ay ku qabsoontay si iftiin ah oo shaki uusan ku jirin.

Michael keating ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya uu la kulmi doono caqabado badan oo ay ugu horeyso mida Xarakada Al-shabaab oo mudooyinkii dambe kordhisay dagaalada ay ka waday gudaha dalka Soomaliya.

“Waxaa jiro dhibaatooyin badan soomaliya gudaheeda, meelo kooban ma ahan waxaa dhamaan dalka oo dhanka ayuu u sheegay wargeyska the Guardian., Madaxweynaha Cusub waxa uu la kulmi doonaa caqadabo badan oo ay ugu horeyso Al-shabaab, abaarta dalka ka jira, awood yarida waxbarashada Soomaliya, shaqo la’aanta Soomaliya ka jira, 70% dadka soomaliyeed wax shaqo ah ma haystaan”,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here