Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan oo la hadlay wabaahinta ayaa soo dhaweeyay guusha uu gaaray Madaxweynaha Cusub ee Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo Xalay ku guuleystay Xilka madaxweynaha Soomaliya.
Dr C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii Hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaliya ayaa sheegay in kaligiisa uusan wax qaban Karin maxamed C/laahi farmaajo islamarkaana loogu baahan yahay ragga uu soo magacaabayo in ay la yimaadaan waxqabad wanaagsan.
C/qaasim waxa uu sheegay in waxqabadka dalka lagula xisaabtami doono ragga loo soo magacaabo Xukuumada maadaama Farmaajo uu yahay Madaxweyne howsha uu qaban doonana ay tahay mid cayiman.
Sidoo kale Madaxweynihii Hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa Madaxweynaha cusub Maxamed C/laahi Farmaajo ugu baaqay in uu soo doorto Ra’isul wasaare dadku ay la dhacaan oo lagu qanco.

