Qaramada Midoobay oo Soo Dhaweysay Guusha Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmajo

0

Qaramada Midoobay ayaa hamblyo u dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmajo waxaana xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan soomaaliya ee UNSOM iyo waliba Beesha Caalamku ay sheegeen in diyaar u yihiin la shaqeynta iyo garab istaagida madaxweynaha soomaaliya gaar ahaan sidii uu kaga guuleysan lahaa caqabadaha hortaagan dowladiisa.

Afayeenka UNSOM Joseph Contreras oo lahadlay UN news ayaa sheegay in arimaha dhaqaalaha,siyaasada iyo arimaha bini’aadan nimda in ay wax badan kala shaqeyn doonaan sidii uu ugu guuleysan lahaa.

“Waa calaamad taariikhi ah waa mid uu dalka kaga baxayo xaaladaha dag-daga ah ee imika uu kujiro, rabshadaha iyo dagaalada sokeeye, waxaan dareemeynaa hanaan ka madax banaan musuq iyo wax isdaba marin oo baarlamaanka ay ku codeeyeen gabi ahaan waxaa soo baxay aragti dhanka wanaaga loo eegay” sidaasi waxaa yiri afayeenka UNSOM.

Waxaana uu hoosta uu ka xariiqay in baarlamaanka Federalka ee Cusub in ay doorteen shaqsigii ugu mudnaa madaxtinimada qaranka Soomaaliya.
Mr. Contreras ayaa sheegay codeyntii shalay ka dhacday Mogadishu in ay tahay mid wax weyn loogu qaban karo amaanka dalka, nabadeynta iyo daahfurnaanta Soomaaliya iyada oo la raacayo Dastuurka qabyada ah ee Dalka.

Waxaa sidoo kale qaramada midoobay ay u mahad celisay madaxweynihii hore ee soomaaliya Hassan sheikh iyo guulihii ay gaartay dowladiisa afartii sano ee la’soo dhaafay isagoo sheegay in ay lashaqeeyeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here