Kooxo Burcad Ah oo Bililiqaysta Leyrarka Cadceedda ku shaqeeya ee Magaalada Gaalkacyo

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka Maamulka Puntland wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in Kooxo burcad ah ay bililiqeysteen Leyrarka cadceedda ku shaqeeya ee ku dhagan waddooyinka magaalada Gaalkacyo.

Cali Xuseen Cabdulle oo ka tirsan Golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u sheegay inay jiraan burcad bililiqo ku heysa Leyrarka Cadceeda ku shaqeeya ee ku xiran waddooyinka magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Cali Xuseen oo ka tirsan Golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo  ayaa sheegay inay sameeynayaan Ciidamo gaara oo ka hortaga bililqada lagu hayo Leyrarka ku shaqeeya cadceedda, waxa uuna cadeeyay inay jiraan baalal dhowr ah oo laga furtay Leyrarka cadceedda ah.

Waxa uu sheegay Cali, in xilliyada habeenkii saq dhexe la bilaabay in nalalka ku shaqeeya Cadceedda lagala baxo qalabkii ay ku shaqeynayeen sida Batariga ama la furto Soolarka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here