Musharixiin Ku Heshiiyay in ay Taageeraan Musharixii ugu Cod Bata Doorashada

0

Qaar kamid ah Musharixiinta madaxweynaha oo Xalay kulan ku yeeshay Hoteelka Jaziira ee Magaalada muqdisho ayaa ku heshiiyay in musha in ay taageeraan musharixii ugu cod bata doorashada 8 Febraayo dhaceyso.

Afhayeenka murashaxiinta isbadal doonka Ridwaan Xersi Maxamed ayaa saxaafadda u akhriyay afar qodob ay ku heshiiyeen murashaxiinta.

1-In si dhow loo wada shaqeeyo lana isku xiro dhamaan howlwadeenada ka shaqeynaya ololaha doorashada ee musharixiinta .

2-in Xildhibaanada qaranka ee taageersan Isbedelka ay isku duubnaadaan iskana warhayaan .

3-in xubnaha musharixinta ku midoobay golahan ay ka shaqeeyaan sidii codka xildhibaanadu uu u xaqiijin lahaa isbedel dhab ah in uu hirgalo , iyadoo si toos ah loo taageerayo musharaxa ugu cod bata ee ka mid ah golahan wareegyada kala duwan ee doorashadu mari doonto.

4-in hadii isbedelku guulaysto mid ka mid ah musharixiinta golahan uu dhiso dowladd haysata kalsoonida baarlamaanka yo shacabka Soomaaliyeedba

Kulanka waxaa ka qeyb galay Musharixiin ay kamid ahaayeen  Shariif Sh. Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Cabdiraxmaan faroole , Maxamed Cali Nuur Americo , Cali Xaaji Warsame , Xaaji Maxamed Yaasiin, Dr Cabdi Maxamuud Culusow, Zakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi, Siciid Cabdulaahi Dani, Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi iyo Maxamed Axmed Jabarti.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here