Musharixiin Diiday in Kursiga Aqalka Hoose Kula Tartamaan Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaarayaha

0

Afar Musharax oo kala ah Axmed Sheekh Nuur, Nuur Bocor Jeelle, C/laahi Axmed Xuseen iyo Nasra Axmed Cali, oo kursiga beesha Jidle kula tartamayay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaarayaha Xukuumada Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Xasan (Nuux), ayaa ka horjeystay in ay ka qeyb galaan doorashada oo maanta ka dhacaysa Magaalada muqdisho.

Musharixiintaan ayaa ku eedeeyay   Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaarayaha Xukuumada Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Xasan (Nuux) in uu qortay dhamaan Ergada Doorashada islamarkaana aysan ku kalsoonan Karin Natiijada Doorashada kasoo baxaysa.

Guddiga Dooorashooyinka Heer Dowladeeda Goboleed Hir-shabeelle ayaa sheegay shalay in doorashada Kursiga  Beesha Jidle in ay dhacayso 04/2/2017 oo maanta ku beegan waxaa ku cadcad In uu kusoo baxo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaarayaha Xukuumada Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Xasan (Nuux).

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaarayaha Xukuumada Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Xasan (Nuux), ayaa horaan  sameeyay carbushaad ku aadan in uu kasoo horjeystay Natiijadii doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle sanadkii Hore, tan iyo xiligaas waxaa taagnaa muran xoogan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here