War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa digniino loogu jeediyay Shirkaddaha Sameeya Kuwa Xira Kaamerooyinka Qarsoon ee Loo yaqaano CCTV oo inta badan ku xiran Hoteelada iyo goobaha Dowladda Federaalka Soomaliya.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in cidii amarkaan u hogaamsani wayda in Talaabo Laga qaadi Doono islamarkaana tani ay tahay digniintii ugu horeysay.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowr jeer oo hore Shabaab weerar ay ku qaadeen Hoteelo ku yaala Magaalada Muqdisho , maalmo kadib waxaa lasoo bandhigay Muqaalo ka Turjumaya sida uu u dhacay weerarkaas ee Al-shabaab Filiyeen.


