Madaxweynaha Kenya oo Loogu Baaqay in Ciidamadiisa Kala Baxo Soomaliya

0

Xisbiga Democratic Party ee dalka kenya ayaa sheegay in ay doonayaan in ciidamada Kenya ee  qeybta ka ah howlgalka  nabad ilaalinta ee soomaaliya ku sugan in imika ay tahay waqtigii dalka ay dib ugu soo laaban lahaayeen.

War uu soo saaray General Jocab Haji oo kamid ah xisbiyada mucaaradka dalka Kenya  ayaa waxa uu  ugu baaqay madaxweynaha dalkaasi  Kenya  Uhuru Kenyatta in ciidamada Kenya ay tahay in laga howlgaliyo xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan kuwaa oo dhowr jeer oo hore Xarakada Al-shabaab ay halkaas kasoo weerareen iyaga oo qasaaro u geystay ciidamada KDF-ta.

Mr. Jocob Haji ayaa cadeemo cad cad u soo qaatay weerarardii ugu dambeeyay ee lagu dilay ciidamada Kenya ee howlgalka nabad ilaalin soomaaliya loo keenay iyo waliba kuwa ku sugan xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan isaga oo intaa ku daray in ciidanka Kenya howlgalka nabad ilaalin ee soomaaliya in sidii la’rabay aysan u gudan mar uu kormeer ku sameeyay sida uu sheegay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here