Howlgal Amniga Lagu Xaqiijinayay oo Xalay laga Sameeyay Magaalada Cadaado

0

Ciidamada Amaanka Galmudug ayaa xalay Bandow ku soo ragay Magaalada  Cadaado oo Xarun ku meel gaar ah u ah Golayaasha Maamulka Galmudug kaasi oo hakad galiyey dhaqdhaqaaqa dadka iyo daadiidka guud ahaa Magaalada.

Ciidamada oo iskugu jiray Boolis iyo Daraawiish ayaa Howlgal Xoogan oo ay Guryaha ku Baarayeen wax ay ka sameeyeen dhamaan Xaafadaha ay ka kooban tahay Magalaada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Taliska Ciidamada Booliska Galmudug ayaa Sheegay Howlgalkaan oo daba socday Bandow Ciidamad ay magaalada ku soo Rogeen intuu socday ay Ganacta ku soo Dhigeen Hub iyo Shaqsiyaad looga Shakisan yahay inay Halis ku yihiin Amaanka deegaanada Galmudug.

Bandhowkaag iyo Howlgalkaan is daba socday ee Ciidamada Maamulka Galmudug ay ka sameeyeen Magaalada Cadaado ayaa daba jooga Amar dhawaan ay soo saareen Saraakiisha lamaaha Amniga Galmudug kaas oo lagu Mamnuucay Hubka iyo Askarta aan u Diwaan gashanayn Wasaarada Amniga Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here