Aas-aasaha barta bulshada ay badi isticmaalaan ee Facebook Mark Elliot Zuckerberg ayaa ka hadlay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku mamnuucay in dalkiisa ay galaan dadka kasoo jeeda wadamada ay ugu yeereen in ay ka jiraan ururada Arga-gixisada oo ay Soomaaliya kamid tahay.
Mark Elliot Zuckerberg ayaa sheegay in dadka Qaxootiga waxyaabaha ugu badan ay dalalkooda ugu tagayaan ay tahay in ay hormariyaan nafsadooda sidaa awgeedne uu sheegay in aysan habooneen in laga celiyo Mareykanka sida uu hadalka u Dhigay.
Waxa uu sheegay in dhanka amaanka mareykanka talaabo ahaan ay wanaagsan tahay in la celiyo qul-qulka dadka qaxootiga ah balse waxa uu sheegay in ay u baahan yihiin in lakala saaro maadama ay jiraan dad aanan ku lug laheyn arimaha Arga gixisada.
“Waxaan ka walaacsanahay go’aanada Trump uu muujiyay waxaana loo baahan yahay in la siiyo dalka Mareykanka Qorshooyin lagu adkeynayo amaanka taasi oo aanan ka hor imaaneen dadka soo galayo dalkaasi” ayuu Yiri Mark Elliot Zuckerberg oo ah aas-aasaha Facebook.
Milkiilaha Facebook ahna Aas-aasaha ayaa ugu dambeyn waxa uu Donald Trump madaxweynaha mareykanka ugu baaqay in aanan la xirin xeryaha lagu qaabilo dadka soo galootiga ah si aysan u go’in howlaha bani aadamnimo waxa uuna ka digay dhaqan galka arintaasi.
Waxa uu si gaar ah kaga hadlay go’aankaasi oo saameynaya wadamada kala (Soomaliya, Yaman, Liibiya, Ciraaq, Iran, Syria, Somalia, Sudan), oo dhamaantood uu sheegay in ay haatan yihiin dalal dagaalo ay ka jiraan marka laga reebo Sudan.
Mark Elliot Zuckerberg ayaa ah milkiilaha facebook waxa uuna kamid yahay dadka qaxootiga ku ah Mareykanka inkastoo uu heysto sharciga dalkaasi dhaqaale ahaan heysta US $53.6 billion as of 2017 waxa uuna Donald Trump ka codsaday in heshiiska uu qalinka ku duugay oo ah mid KMG ah in uusan ka dhigin mid sharci ah.

