Saraakiisha Ciidamada Kenya oo Lagu Eedeeyay in ay Xiriir La Leeyihiin Al-shabaab+Dhageyso

0

Dhame Cali Shiikh Maxamuud Xasan(Shiine) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubba-land ee dib ula Wareegay Deegaanka Kulbiyoow oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ku eedeyey inay Hortaagan yihiin in Al-shabaab looga adkaado deegaanka Kulbiyoow iyo Tuulooyinka Hoos yimaada oo ay ka mid yihiin Goobihii laga soo Abaabulay Weerarkii Dhiiga badan uu ku daatay ee lagu qaaday Saldhiga Militariga Kenya ee deegaanka Kulbiyoow.

Sarkaalkaan ayaa sheegay Ciidamada Jubaland ay Fuliyeen Weerar ay Al-shabaab uga Dileen in ka badan 70-Askari oo ay ku jiraan Saraakiil si Weyn looga garanayey Gobalka Jubbada Hoose balse kolkii lasoo afjari lahaa dagaalkaasi ay Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM Amar ku bixiyeen la joojiyo Duulaanka Ciidamada ay Al-shabaab uga saarayaan deegaanadaasi sidoo kalena ay Saraakiisha ku Amreen in Ciidamada Dib loogu soo celiyo Deegaanka Kulbiyoow.

Dhame Cali Shiikh Maxamuud Xasan(Shiine)  oo sii hadlayay ayaa Tilmaamay in uu Muuqdo Xiriir Saraakiisha AMISOM ee ku sugan Gobalka Jubada Hoose iyo Al-shabaab Maadaama ay ka cagajiidayaan in la xoojiyo Dagaalka Deegaanada Jubbada Hoose waxa uu intaa ku daray in Cunaqabateyn dhanka Saanada,Saadka iyo Agabyada kale ee lagama maarmaanka in Ciidamada ay Guulo la taaban karo ka soo hooyaan dagaalka Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here