Kenya oo Beenisay in 51-askari Loogu Dilay  Dagaalkii Saakay Ka Dhacay Deegaanka Kulbiyoow

0

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Weerarkii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay saakay aroortii ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadeeda ay ku lahaayeen Deegaanka Kulbiyoow Gobolada Jubada Hoose.

Saraakiil u hadashay Dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Kulbiyoow Gobolada Jubada Hoose, laakin waxa ay beeniyeen in tiradaAfhayeenka Al-shaabab  uu sheegay in dagaalka lagu dilay.

“Waxaan helnay Xog ku aadan weerarka lagu soo qaadi doono Saldhiga aan ku leenahay deegaanka Kulbiyoow Gobolada Jubada Hoose”, balse faah-faahin kale oo dheeri  ah maan helin”, ayuu yiri sarkaal u hadal dowladda Kenya.

Saakay aroortii ayay aheyd markii gaari laga soo buuxiya waxyaabaha qarxa lala galay Saldhiga Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Deegaanka Kulbiyoow Gobolada Jubada Hoose, waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada kenya iyo kuwa Al-shabaab.

Weerarkii saakay lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyoow Gobolada Jubada Hoose ayaa ku soo aadaya xili sanad laga joogo weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-cadde  ee Gobolada Gedo, 15-kii Junuary sanadkii 2016-kii kaasi oo lagu dilay 100-askari oo kenyaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here