Afhayeenka dhanka Howlgala Xarakada Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in 51-askari oo ka tirsaan Ciidamada Kenya in lagu dilay weerarkii saakay aroortii hore lagu qaaday Saldhig Ciidaamada Kenya ay ku lahaayeen Deegaanka Kulbiyoow Gobolada Jubada Hoose.
Shiikh C/casiis Abuu Muscab afhayeenka Al-shabaab waxa uu sheegay in weerarka uu ku bilowday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu oo ka xaynayay dagaalame ka Tirsan Xarakada Al-shabab oo uu sheeegay in uu gudaha u galay Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyoow ay ku lahaayeen.
Afhayeenka dhanka Howlgala Xarakada Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab Waxa uu tilmaamay in Ciidamo aad u tabaran ay gudaha u galeen saldhiga Deegaanka Kulbiyoow Gobolada Jubada Hoose iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan ugu dambeyna lagu dilay 51-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Malatariga Kenya waa siduu hadalka u dhigee

