Maamulka Puntland Oo Xiray Sarkaal Sare oo Ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha ee Dowladda Soomaaliya

0

Waxaa saldhiga magaalada Garowe lagu xiray agaasimihii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya u fadhiyay gobolka Bari,Cabdilaahi Maxamed Axmed Dhaga Dheere.

Waxaa jiro warar xaqiijinaya in Sarkaalkaan lagu xiray amar uu bixiyay madaxweyne ku xigeenka puntland  Eng. C/laahi Camey.

 

Agaasimaha ayaa la sheegay  in xarigiisa uu la xiriiro kadib markii lagu eedeeyay inuu qeyb qaatay olale magaalada Buuhoodle looga furay xafiiska Jinsiyadaha iyo bixinta Baasboorka Soomaaliya.

 

Waxaa jiro warar sheegaya in Maamulka Khatuma uu xafiiskaan ka shaqeeyay in laga hirgaliyo Buuhoodle,waxaana  Puntland ay kasoo horjeedo xafiis aan iyagu raali ka aheyn inaanan laga furi karin gudaha Puntkand.

 

Maamulka puntland ayaa xafiiskaan la furay ku qanacsaneen maadaama dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba dhibaato ku yahay xafiiska.

 

Cabdilaahi Maxamed Axmed (Dhaga Dheere), kahor inta aan la xiriin wuxuu kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalada Buuhoodle, isagoo kagasoo qeyb galay xaflad xil wareejin ah oo xafiiska socdaalku qabanayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here