Taliyihii Ciidamada difaaca dalka Uganda General katumba Wamala oo dhawaan uu xilka ka qaaday madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni islamarkaana wareejiyay xilka ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalan karta hadii Ciidamada Malatariga Burundi ay Soomaliya ka baxaan.
General katumba Wamala oo Suxufiyiinta kula hadlayay magaalada Kampala Caasimada dalkaas kadib markii uu xilka ku wareejiyay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Difaaca Uganda Gen David Muhoozi ayaa sheegay in fursad weyn ay heli karaa dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab hadii Dowladda Brundi ay go’aasato in Ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaliya.
“Waxaa ka dhalan doono dhibaato aad u weyn, waxaa fursad heli doona dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo la wareega kara meelaha ay ka baxayaan Ciidamada Brundi, dadaalka Ururka midowga Afrika ayay niyad jab ku tahay tani”, ayuu yiri General katumba Wamala.
Dowladda Burundi ayaa dhawaan bilowday hanaan ay Ciidamadeeda qeybta ka ah Amisom uga saareyso Soomaaliya, sababo la xiriira muran dhinaca mushaarka la xiriira oo u dhaxeeya ayada iyo Midowga Yurub.
Mushaharka Ciidamada Amisom ayaa waxaa bixiya Midowga yurub, hase yeeshee xukuumadda Bujumbura ma helin wax lacag ah muddo bilo ah, sababo la xiriiro xayiraad Midowga Yurub ay saareen xukuumadda dalkaas, kadib laba sano oo shaqaaqooyin siyaasadeed ah.
Midowga Yurub ayaa doonaya inuu mushaharka oo gaaraya 5.3 milyan oo dollar bishii toos u siiyo ciidamada Burundi, hase yeeshee ayada oo aan weli wax heshiis ah la gaarin, ayaa madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu saraakiisha amray inay maanta billaabaan in ciidanka oo gaaray 5,400 oo askari laga soo saaro Soomaaliya.

