Waxaa Xiisado dagaal ay ka soo cusboonaadeen qeybo kamid ah gobolka sool iyadoona xiisadahan si weyn loga dareemayo gobolka.
Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Maamulka Khaatumo ayaa idaacadda Simba u sheegay in xiisada dagaal ayaa dhalatay kadib marki gobolka sool lagu dilay Nin ka soo jeeda Deeganada Khaatumo.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ninka falka dilka geystay uu baxsaday islamarkaana aan haatan gacanta lagu heyn shaqsigi falka fuliyay.
Dhinaca kale wsiir ku xigeenka arimaha gudaha khaatumo ayaa sheegay in dilka ninkaan ay abuurtay xiisado u dahxeeya beelo wada dego gobolka sool.

