Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay Sarkaal la sheegay In uu ka Tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo isku dhiibay maamulkooda.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ee arimaha bulshada Maxamed Xuseen Isxaaq(Alqaadi) la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda uu isku soo dhiibay Gudoomiyihii Al-shabaab u magacawnaa Gobolka Gedo oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed C/laahi Xaashi iyo labo askari oo isaga la socotay.
Maxamed Xuseen Isxaaq(Alqaadi) waxa uu sheegay in si wanaagsan ay u soo dhaweyeen sarkaalka dhankooda isku dhiibay islamarkaana haatan uu si nabad ah ku joogo degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Dhanka kale waxa uu tilmaamay in sarkaalkaan uu maamulka Gobolka Gedo uu kala shaqeyn doono dhanka amniga islamarkaana uu gacan ka geysan doono sidii gacanta loogu dhigi lahaa shaqsiyaadka shabaab ka tirsan ee Gobolka ku dhuumaalaysanaya.

