Al-Shabaab oo Xukun Dil ah Ku Fuliyay Dhalinyaro Lagu Eedeeyay in ay Isku Galmoodeen

0

Maxkamadda Maamulka Xarakada Al-shabaab ee degmada Bu’aale ee Gobolada Jubada Dhexe  ee Koonfurta daka Soomaliya ayaa xukuno kala duwan ku riday 3-ruux oo lagu helay dambiyo.

Fagaara kuyaal magaalada Bu’aale ee xarunta Gobolka Jubbada dhexe waxaa galintii dambe ee shalay lagu  toogtay seddex ruux oo laba kamid ah ay ku kaceen falkii qowmu luud lagu halaagay halka midka kale uu ahaa sida ay sheegeen shabaab mid u adeegayay dowladda Ethopia.

Isxaaq Abshiroow oo 20 sana jir ah iyo C/Risaaq Sheekh Cali oo 15 Jir ah ayay ciidamada a-Shabaab  gacanta kusoo dhigeen iyagoo isku sameynaya Ficilkii Qowmu-luudka lagu yaqiinay, 2- Saciid Max’med Cali oo kamid ahaa askar ay ciidamada Itoobiya ay tababareen ayaa isagoo ka tagay magaalada Kismaayo lagusoo qabtay howlgal ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaadiga Maxkamadda Xarakada Al-shabaab ee degmada Bu’aale ee Gobolada Jubada Dhexe   ayaa xukunka markii la fuliyay kadib sheegay in ay sameeyeen wixii sharaacada islaamka ay fartay isagoo ugu digay dad in ay ku dhaqmaan ficilada noocaan oo kala ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here