Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Ciidamo hubeysan oo wajiyada soo duubtay ay goordhaweyd hareeyeen hoyga Magaaladaas uu ka dagan yahay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka Galmudug Mudane Xareed Cali Xareed.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamul Goboleedka Galmudug ayaa xaqiijiyay in hoyga Gudoomiye Baarlamaanka Maamulka Galmudug Mudane Xareed Cali Xareed in ay gaareen Ciidamo wajiyada ay u duuban yihiin islamarkaana ay ku wargaliyeen Gudoomiyaha in uusan meelna ugu bixin Karin hoyga ilaa amar dambe.
Xalay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka Galmudug Mudane Xareed Cali Xareed ayaa Magaalada Cadado ka sheegay in amaanka Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug uu Qatar ku jiro, wuxuuna ka dalbaday Ciidaada Nabad Sugida iyo AMISOM in ay sugaan amniga Xildhibaanada.

