Dadka ku nool deegaanka Garas Bintow ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saakay hadal haya dhacdo xanuun badan oo dhacday, kadib markii nin Maseersan uu Toorey Caloosha ugu jeexay ilaa ay ka dhimato, Xaaskiisa hore oo Uur laheyd.
Ala Ha U Naxariistee Saafi Faarax Qaasim ayaa dhimatay kadib markii ninkeeda hore oo lagu magacaabo Liiban Xasan Borow uu Caloosha kaga jeexay Toorey xili uu ka maseeray sida ay sheegeen dadka ku nool deegaanka Garas Bintow Gobolada Shabeelaha Dhexe.
Saafi Faarax Qaasim oo dhimatay iyo Liibaan Xasan Barow oo isna isku dayay in uu isdilo kadib markii uu Caloosha iska galiyay Tooreyda balse aan dhimanin, ayaa la xaqiijiyay In ay muddo ka hor ay kala tagen islamarkaana ay isku dhaleen labo caruur.
Dhanka kale Dhacdada goobta ay dhacday waxaa gaaray Ciidamada Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle iyagoo gacanta ku dhigay ninkii falkaan geystay, waxaa sidoo kale la aasay hooyadiisa dhimatay.

