Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda howlaha Guud iyo Gaadiidka Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ayaa goordhaweyd Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland kaga dhawaaqya in uu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka.
Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) oo mudooyinkii ugu dambeeyay ahaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ayaa u sababeeyay iscasiladiisa culeys ugu yimid eeshiisa oo dalbatay inuu xilkaas iska casilo sababo uu ku macneeyay cabashadii beeshu ka muujisay wax qeybsigii xubnaha Aqal ka sare ee Puntland.
Wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Maamulka Puntland C/raxmaan Dujaana ayaa tilmaamay in uu xiriir wanaagsna la leeyahay Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Xukuumadiisa islamarkaana uu rajeenayo in uu ka aqbalo iscasiladiisa.

