Dhaqaatiir Ku Taqasusay Baaritaanada Dhanka Caafimaadka Xoolaha oo Soomaliya Kusoo Wajahan

0

War kasoo baxay Dowladda Sacuudi Arabia ayaa lagu sheegay in dhaqaatiir ku taqasusay baaritaanada dhanka caafimaadka Xoolaha  in loosoo direy Soomaliya si ay u baaraan xoolaha soomalida ee dalkaas loo dhoofiyo.

Sacuudiga ayaa dhaqaatiirtaasi waxa ay ku wargelisay inay Somaliya imaanayaan Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Federalka Somaliya, iyagoo u kuurgalaya xaadaha caafimaad ee Xoolaha Soomalida oo mudooyinkii dambe la sheegay in ay xanuun qabaan.

Dhawaan Dowladda  Sacuudiga waxa uu ku dhawaaqay inuu joojiysay Xoolaha Somaliya laga dhoofiyo ee dalkaasi la geeyo, kadib markii xanuuno laga helay qaar ka mid ah Xoolahaasi, balse wasaaradda xanaanada Xoolaha Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegtay in baaritaano la sameeyay kadib laga waayay wax cudur ah.

Somaliya ayaa laga dhoofiyaa Xoolo gaaraya 5-kun, kuwaasi oo loo iibgeeyo dalka Sacuudiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here