Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir oo maanta Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee maamulkas ayaa sheegay in muddo 45 cisho ah lagu kordhiyay fasaxa Xildhibanada baarlamanka Maamulkaas, isagoo tilmamay in uu soo dhamaday fasixii ay horey u heysteen.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir in sababta waqtiga loogu kordhiyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas ay tahay marxalada doorasho iyo abaaraha ka jira deegaanada Mamulka Galmudug sababtaasna ay tahay in uu mudho kordhin u sameeyo mudanayaasha sida uu qabo dastuurka Mamulkaasi.
Dhanka kale Xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Cali Gacal Casir in ay ka hor istaageen in ay kulmaan islamarkaana ay diideen in lala xisaabtamo.

