Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Magacaabay Taliyaha Cusub Booliska Gobolka Mudug

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Magacaabay  Taliyaha Cusub ee Ciidamada  booliska gobolka Mudug ee Puntland, kadib marki xil ka qaadis lagu sameeyay taliyihii qeybta booliska gobolkaas gaashaanle sare  Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame sanadkii aynu soo dhaafnay.

Waxaa xilkaan loo magacaabay Kornayl Cismaan Xasan Cowke (Afdalow) oo horey u ahaa Taliyihii Ciidanka birmadka Maamulka  Puntland, balse markii dambe ayaa xilkaas looga qaaday kadib  rabshadihii dhexmaray isaga iyo taliyihii hore ee ciidanka booliska maamulka Puntland Generaal Afgaduud.

Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Mudug ee Maamulka Puntland gaashaanle sare Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame, ayaa xilka laga qaaday sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2016, kadib markii lagu eedeeyay in uu ka hor yimid Guddiga isku dhafka nabadeynta magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here