Amar kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu mamnuucay in mootooyinka bajaaj-ka ay habeenkii isticmaalaan Wadada muhiimka ah ee Maka Al Mukaramma ee Magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah Wadayaasha Mootooyinka bajaajka oo warbaahinta la hadlay ayaa cabasho ka muujiyay amarka kasoo baxay maamulka Gobolka banaadir ee dowladda Soomaliya ee loogu hor istaagay in ay adeegsadaan wadada muhiimka ah ee Maka Al Mukaramma, waxayna sheegeen in subax walba laga qaado canshuurta dowladda hoose.
Waxaa hore looga mamnuucay mooto bajaajta inay maraan qaar ka mid ah wadooyinka muhiinka ah ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta ka sheegeen Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

