Ciidamada Booliska dalka Ruush-ka ayaa xabsiga dhigay Aabe u dhashay dalkaas kadib markii lagu helay dambi ah in uu iibiyay gabadhiisa, isagoo ku iibiyay lacag lagu qiysaasay $1,200 oo ah lacag uu ku iibsan lahaa Ticket diyaaradeeda.
Laamaha amaanka dalka Ruush-ka ayaa sheegay in aabaha uu arintaas u sameeyay si uu usoo arko xaaskiisa hore oo ku nool Magaalada Munich ee dalka Germany,waxaa laga qabtay garoonka diyaaraha Magaaalada Moscow.
Sidoo kale Aabaha ayaa la sheegay in in uu Bangiyada dalkaas ka dalbaday in ay lacag amaahiyaan balse ay ka diideen wuxuuna gabadhiisa ka iibiyay nin maalqabeen ah oo dalkaas si weyn loogu yaqaano.

