Golaha Amaanka oo Soo Saaray Tirada Ciidamada Nabad Ilaalinta Joogo Wadamo ay Kamid Tahay Soomaaliya

0
The Honduran troops which will travel to Haiti on the UN Stabilization Mission (MINUSTAH) salute in the southern outskirts of Tegucigalpa, on January 29, 2014. Honduran President Juan Orlando Hernandez attended a ceremony to see off the troops. AFP PHOTO /Orlando SIERRA. (Photo credit should read ORLANDO SIERRA/AFP/Getty Images)

Kadib kulan ay si wadajir ah u yeesheen Xubnaha Golaha Amaanka ee QM ayaa waxa ay ugu horeyn ku cambaareeyeen weeraradii ay ku waxyeeloobeen Ciidamada Caalamiga ah ee Nabad Ilaalinta u joogo wadamo ay kamid tahay Soomaaliya kaa oo dhacay Horaanta sanadkaani.

War Saxaafadeed kasoo baxay kulankooda kadib ayee ku sheegeen in ay ugu horeyn Cambaareen dusha kaga tuurayaan weeraro ka dhacay Wadamada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Golaha amaanka ayaa dalbaday in cadeemo rasmi ah laga keeno qaabka ay udhaceen weeraradaasi iyagoona sheegay in ay jiraan dad ku dhaawacmay weeraradaasi oo haatan la xanuunsanaya dhibka soo gaaray.

Golaha Amaanka ee QM ayaa war ay soo saartay isla markaana ay qortay wakaaladda Wararka Turkiga u faafisa ee ANATOL ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta ah ee QM u diiwaan gashay 60-kun oo askari.

Golaha ayaa intaasi kusii daray in ciidamadaasi ay haatan ka kala howl galaan wamada: Soomaaliya, Congo (Brazzaville), Bosnia iyo Herzegovina, Haiti, Kosovo, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Cote d’Ivoire (Ivery Coast, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Koofurta Sudan iyo Morocco oo la sheegay in ay ku sugan yihiin ciidamo aanan sidaa u badneen sida lagu sheegay Xog rasmi ah.

QM ayaa taageerta Ciidamada ku kala howl galada magaca AMISOM ee ka socda wadamo Afrikaan kuwaa oo ku sugan Soomaaliya iyo waliba kuwa ku howl gala United Nation (UN-ka).

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here