War Deg Deg:-Ciidamada Amisom oo Caawa Dad Shacab ahaa iyo Xoolo Laayay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay Deegaanka Wareer-maleh ee Gobalka Shabeelaha hoose,  ay ku dileen laba Wiil oo da’dooda u dhaxaysa 15-17 sano & 25 neef oo Geel ahaa.

Dhacdada dadkaan lagu dilay ayaa timid kadib markii dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen kolonyo ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika Amisom oo marayay Deegaanka Wareer-maleh ee Gobalka Shabeelaha hoos, waxayna amisom ay fureen rasaas aad u xoogan.

Ilaa haatan wax war ah kama soo bixin taliska Amisom ee Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here