Warar lagu kalsoonaan karo oo ay halayso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyahihii degmada Heliwaa Mudane Maxamed Axmed Xaashi “ Qoslaaye”, iyadoo xilkaas loo magacaabay Gudoomiye cusub.
C/xakiin Cumar ayaa la sheegay in loo magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir kadib wareegto kasoo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya.
Ilaa haatan si dhab looma shaacin qodobada loo cuskaday xil ka qaadista Gudoomiyihii Degmada Heliwaa Qoslaaye.

